Degdeg: Cristiano Ronaldo oo laga helay Coronavirus

War deg deg ah oo ay baahisay daqiiqado ka hor majalada Goal.com oo ah degal ka faalooda arimaha ciyaaraha ayaa daabacday in ciyaaryahan Cristiano Ronaldo laga helay caabuqa Coronavirus.

Tijaabada lagu sameeyay ciyaaryahankan u dhashay dalka Portugal una ciyaara kooxda ka dheesha horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa soo saartay possitive.

Ronaldo ayaa laga reebay kooxda xulka qaranka Portugal isagoona laga dhex takooray kooxda inteeda kale markii laga helay cudurkaan.

Xiriirka kubadda cagta Portugal ayaa sheegay in Ronaldo iminka xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay halka kooxda xulka qaranka intiisa kalena ay badqabaan lagana waayay cudurka tijaabo lagu sameeyay dhamaantood.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email