Dagaalkii Nagorno-Karabakh Oo Heshiis Hordhac Ah Laga Gaaray

Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxa ay ku heshiiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah maanta oo Sabti ah ka bilaabata gobolka Nagorno-Karabakh ka dib laba toddobaad oo uu socday dagaal culus oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee in ka badan 25 sano ka dhaca gobolkan gooni u goosadka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kaddib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay halka kumanaanna ay guryahoodii ka barakeceen tan iyo ay bilaabatay shaqaaqadii ugu dambeeysay ee 27-kii bishii Sebteembar.

Tan iyo bilowgii dagaalka, Armenia ayaa sheegtay in ay u furan tahay xabbad-joojin, halka Azerbaijan ayaa ku xirtay shuruud ah in ciidamada Armenia ay marka hore ka baxaay Nagorno-Karabakh, iyadoo ku doodaysa in fashilka dadaallada caalamiga ah ee gorgortan siyaasad uu keenay in aysan jirin fursad aan ka aheyn isticmaalka awod ciidan.

Russia ayaa fidisay gogosha wadahadallada nabadda ee Nagorno-Karabakh iyadoo ay wehliyaan Mareykanka iyo Faransiiska oo ay si wadajir ah u gudoomiyaan kooxda loo yaqaan Minsk Group, oo ka hoos shaqeeya Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Si kastaba Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email