Dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay tuuladda bululow ee hoostagta degmada afgooye

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay tuuladda bululow ee hoostagta degmada afgooye ay ku dileyn madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab oo la hadlay idaacada codka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulada bululow lagu dilay in ka badan 50 maleyshiyaad ah iyo horjoogihii howl-galinta Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka shabellada Dhexe.

Saraakiisha Danab ayaa horjoogaha la dilay waxa ay magaciisa ay ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow, iyagoona hadalka sii raaciye in uu Al Shabaab u qaabilsanaa howl galinta.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email