Dagaalka khasaaro gaystay oo ciidamada dowlada iyo Alshabaab ku dhexmaray duleedka degmada Awdheegle

Faah Faahin: Al Shabaab Iyo Ciidanka Dowladda Oo Ku Dagaalamay Baardheere –  Goobjoog News

Dagaalka khasaaro gaystay ayaa ciidamada dowlada ururka Alshabaab waxaa uu ku dhexmaray duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Alshabaab ay weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowlada oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye & Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Alshabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Alshabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 9 Askari, sidoo kalena ay gaari gubeen, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xqaqiijinaya sheegashada Alshabaab.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgallo kala duwan ka fuliya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Alshabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email