Dagaal u dhexeeya xubno ka tirsan Alshabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose

Al-Shabab Chief Partially Seen on Video for First Time | Voice of America -  English

Warar aanu heleeyno ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya xubno ka tirsan Alshabaab dhexdooda uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Biyamaalow ee u dhow deegaanka Janaale ee gobolka shabeellada Hoose, iyadoona la sheegay in dagaalka uu mudo saacad ah uu ka socday deegaankaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah saraakiisha amniga Alshabaab ee loo yaqaano Jabhada ay garaaceen ciidanka xisbada xili uu la socodey qof haween ah, ayagoona ku eedeeyey in uu anshax xumo ku dhaqaaqey, sida ay u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay  inuu ka dhashay khasaaro soo gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka shacabka ah eek u nool deegaanka Biyamaalow ee gobolka shabeellada Hoose, waxaana laga baqayaa in markale ay dagaalamaan.