Daawo Sawiradda: Sheriif Sheekh Ahmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya mudane Sheriif Sheekh Axmed ayaa muddo uu safar ku maqnaa kaddib maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Sheriif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay qaar kamid ah madaxda xisbiyada ku midaysan Madasha Xisbiyada Qaran.

Intaa kaddib waxaa masuulkan loo soo galbiyay xarunta madasha xisbiyada qaran oo ay ku sugayeen boqollaal qof oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.