Daawo: Galmudug oo maanta soo bandhigtay nin fal kufsi ah geystay

Ciidanka booliska magaalada Cadaado ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu kufsi ka gaystay Puntland, kaasi oo baxsad ahaan kusoo galay Galmudug.

Booliska ayaa warbaahinta usoo bandhigay ninka la sheegay in fal kufsi ah ka gaystay degaanada maamul goboleedka Puntland, waxaana lagu soo bandhigay saldhigga booslika degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.