DAAWO: Dhul gariir weyn oo ku dhuftay gobolka Izmiir ee dalka Turkiga

Dhul gariir quwaddiisa lagu qiyaasay 6.6 halbeegga qiyaasta dhulgariirrada ayaa gelinkii dambe ee jimcaha maanta ka dhacay magaalada Izmiir ee dalka Turkiga.

Dhulgariirkan oo 30 ilbidhiqsi socday waxaa illaa hadda la ogaaday in uu sababay khasaare nafeed oo dhimasho afar qof iyo 120 dhaawac ah isugu jira, iyo burbur xooggan oo dhismayaashii magaalada soo gaadhay ugu yaraan 5 kun oo aqalna dhulka la simay.

Magaalada Ismir oo ku taalla cidhifka galbeed ee gobalka Anadool waa magaalada saddexaad ee ugu dadka badan dalka, marka laga yimaaddo Istanbuul iyo Ankara. Wadarta bulshada gudaheeda ama duleedkeeda ku noolna waxa ay ka badantahay toddoba milyan oo qof.

Xorriya