Cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor oo maanta laga dejiyay degmada Doolow ee gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo cutubyo hor leh oo ka tirsan ciidamada xooga dalka gaar ahaan gaar ahaan ciidamada sida gaar ah u tababaran una qalabeysan ee Gor Gor ayaa saakay ka degay halkaas si qeyb uga noqdaan
sugida amniga xuduudka soomaaliya iyo Kenya.

Garoonka diyaaradaha degmada Doolow waxaa ciidamadan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Gor Gor iyo taliyaha ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee degmada Doolow.

Tirada ciidamada maanta la geeyay degmada Doolow ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan qiyaas dhan ku dhawaad boqolaal askari.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email