Ciidanka kumaandooska ee danab oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

The Danab Brigade: Somalia's Elite, US-Sponsored Special Ops Force | Somali  Top News

Ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa weerar ay ku qaadeen Alshabaab waxaa ay kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay ciidamada dagaalka kula wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Katiin, Bernasey, Warabole, cusbo, xawaljiri oo dhamaantooda hoostaga  Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in xubno ka tirsan Alshabaab ay ku dagaalka, islamarkaana kuwa kale ay nolasha ku qabteen.

War qoraal oo ah ay soo saareen saraakiisha danab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay dadka lacago kaga qaadi jireen deegaanadan,islamarkaana shacabka ay dhibaatooyin ay kala kulmi jireen Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email