Ciidanka dowladda iyo Alshabaab oo dagaal ku dhexmaray Baardheere

Dagaal Caawa ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho & Wararkii ugu  danbeeyay... | Goobjooge.net: Somali News, Somalia news Analysis.

Wararka naga soo gaaraayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay dagaal ku dexmaray ciidamo dowladda iyo Alshabaab.

Alshabaab ayaa weeraray saldhiga ciidanka dowlada gaar ahaan ururka 49aad ee ku sugan Degmada Baardheere ee gobalka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga timid dhinaca Alshabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Majirto cid weli xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowlada iyo Alshabaab ku dhexmaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday saldhigyo ciidanka dowlada federaalka ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana weerarka qaarkood ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email