
Ciidamada difaaca cirka Azerbaijan ayaa sheegay in ay dhulka soo dhigayn dayuurad dagaal oo ay leedahay Armenia oo ah nooca Ruush sameega ah ee Su-25, kaddib markii ay isku dayday inay weerarto ciidanka Azerbaijan ee jooga agagaarka magaalada Jabrayil.
Xiriirka labadan dowladood ee Midowga Soofiyeet ka tirsanaan jirey ayaa qaraaraa tan iyo 1991-kii, markii ay Armenia qabsatay Nagorno-Karabakh oo ah dhul ay leeeahay Azerbaijan, isla markaana ay Qaramada Midoobey u aqoonsan tahay dhul laga haysto.
Ciidanka Azerbaijan ayaa xoreeyey magaalada Fuzuli iyo ilaa 7 kale oo ay haysteen ciidanka Armenia kuwaasoo ku yaalla gobolka Nagorno-Karabakh, sida uu maanta sheegay MW Ilham Aliyev.