Ciidanka Burundi oo haweeney ku toogtay gobolka Shabeelaha Dhexe

Askar katirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ururka midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarax loo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Mahadaay & Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mid kamid ah gawaarida askarta Burundi ayaa dul maray miino jidka la geliyay, qaraxa kadib waxa ay rideen rasaas qaarkood ka dhaceysay qoryaha gawaaridooda ku xiran & kuwa Askarta ay wataan.

Ciidamada Burundi ayaa ka degay gawaarida, waxaana gudaha ay u galeen xaafadaha deegaanka Buurane oo ah halka lagu qarxiyay iyaga oo toogtay mid kamid ah haweenka deegaankaas.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in si bareer ah haweeneyda ay u toogteen ciidamada katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.

Ehelka marxuumadda ayaa laga soo xigte in sidaan oo kale askarta AMISOM u dileen seyga haweeneyda maanta ay dileen ciidamada Burundi oo qarax miino loo dhigay.

Askarta qaraxa loo dhigay ayaa si maalinle ah biyo uga qaada garoonka diyaaradaha Jowhar oo ay saldhig ku leeyihiin si ay ugu geeyaan ciidamada kale ee ku sugan degmada Mahadaay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba ciidamada dowladda federaalka & kuwa midowga Afrika ayaa xilliyada qaraxyada loo dhigo rida rasaas waxyeelo u geysata dadka shacabka ee ku sugan deegaannada ka dhaw halka lagu qarxiyo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email