Ciidamo ka tirsan Puntland oo xoog kula wareegay xarun wasaaradeed

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa saakay xoog kula wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga Puntland ay ku leedahay magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa isku gedaamay xarunta wasaaradda, waxayna diideen in lasoo galo ama laga baxo xarunta, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda kalluumeysiga Puntland.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan xuquuq la’aan ay sheegeen inay heysatay mudooyinkii dambe.

Askari ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka gadoodsan yihiin xaquuq loo balanqaaday, mar loo diray howlgal la xiriira la dagaallanka maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Puntland.

Sida aan ku heleyno wararkii u dambeeyay waxaa xarunta wasaaradda ku go’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email