Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Balad Xaawo

Dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Kenya ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Balad xaawo ee gobolka Gedo.

Goobjoogayaal sheegay in dadka deegaanka degmada Balad Xaawo ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dalka u dhexeeyay Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaan weli ka hadlin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen xadbeenaadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.