Ciidamada dowlada oo howlgal ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe

Himilada dib u soo laabashada ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed | Xaysimo

Ciidanka kumaandooska Gor Gor iyo guutooyinka 7aad iyo 3aad ee xooga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka ayaa saraakiisha hogaamineysay waxaa ay sheegeen inay ku burburiyeen xarun maxkamad oo ay lahaayeen Alshabaab oo ku taallay tuulada Basra ee degmada Balcad sidoo kalena ay dileen sarkaalkii Alshabaab ugu magacaawnaa tuuladaas.

Taliyaha ciidanka xooga dalka sareeye guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay burburinta goobaha ay Alshabaab lacagaha uga qaadaan shacabka , isaggoo xusay in ciidanka ay  la wareegeen goobo badan oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xooga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga saari lahaa Alshabaab, in kastoo inta badan saraakiisha ciidamada ay sheegaan hadalladaas balse aan wax natiijo ah laga gaarin.

Maalmo ka hor ayaa ciidamada dowlada waxaa ay dagaal kula waregeen degaannada Basra iyo Daniga Baalow oo ka tirsan degmada Balcad, kuna yaalla wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Afgooye, halkaas oo muddo sanado ah ku sugnaayeen Alshabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email