Ciidamada dowlada dhexe oo qarax laga soo buuxiyay gaari xamuul ah ku qabtay duleedka Afgooye

Wararka aanu heleeyno ayaa sheegaya in qarax laga soo buuxiyey gaari xamuul ah ay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa milateriga ay saacadihii lasoo dhaafay ku qabteen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxaas ayaa la sheegay inay Alshabaab ku soo rareen gaari weyn oo Dheyne ah, isla markaana uu ku soo socday magaalada Muqdisho, waxaana lagu fashiliyey howlgal ay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor Gor ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in gaarigaas lagu qabtay degaan lagu magacaabo Walamooy oo u dhaw Afgooye, sidoo kale xubno ka tirsanaa Alshabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas.

Ismaaciil Siidoow oo Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Basro iyo seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa ayey maanta dileen ciidamada militeriga Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiishu, intii ay ku jireen howlgalkaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email