Ciidamada dalka Romania oo xiray dad ay Soomaali ku jiraan

Ciidamada ammaanka dalka Romania gaar ahaan kuwa ilaalada xaduudaha dalkaas ayaa waxaa la sheegay in ay xireen 37 Ruux oo qaxooti ah oo ay Soomaali ku jiraan xilli ay doonayeen inay lug ku galaan wadanka deriska ah Romania ee Hungary.

Ciidamada ayaa dadkaasi waxaa ay dhigeen Xabsi gaar ah oo dhanka xaduuda ku yaala,waxaana dadka la sheegay inay u kala dhasheen dalalka, Afchanistan, Siiriya, Iiraan, Soomaaliya iyo Ciraaq.

War kasoo baxay taliska ciidamada ilaalada dalka Romania ayaa waxaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay kala yhiin, 28 Rag ah, 2 dumar ah iyo 3 Carruur ah.

Sidoo kale Warbixinta taliska ayaa waxaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay kala ahaayeen 2 qeybood, kuwo lagu qabtay qadka cagaaran ee labada dal ee Romania iyo Hungary, halka Koox kale ay si dhulmaaleysi ah ay ku doonayeen inay ku gudbaan laba Gaari oo ay wateen.

Soomaali farabadan ayaa ku xiran Xabsiyo ku yaalla qaar kamid ah wadamada Afrika iyo Yurub, kuwaas oo qaarkood loo xiray inay si sharci darro ah ku galayeen dalalkaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email