Ciidamada Booliska Galmudug oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada booliska Gaarka ah ee haramcad oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ku sugna yihiin xubno ka tirsan ururka Alshabaab.

Howlgalka ayaa waxaa ay sigaar ah ciidamada uga fuliyeen degaannada Ceel Garas iyo God dhurwaa oo dhamaantood Hoos taga degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen xubno ka tirsan ururka Alshabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka hoggaaminayo, waxaana uu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen dhaq dhaqaaqyada ay Alshabaab ka sameeyaan inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email