Ciidamada ammaanka dowlada fedraalka oo howlgallo ka fuliyey duleedka Hobyo

Ciidamada amniga maamulka Galmudug oo isugu jira Daraawiish, NISA iyo Boolis ayaa saacadihii u dambeeyay gaaray deegaano dhowr ah oo hoos taga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen falal amni dorro.

Mas’uuliyiin ay ku jiraan guddoomiyaha gobolka Mudug, guddoomiyaha degmada Hobyo, ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan barlamaanka Galmudug ayaa socdaalkaas ku wehliyay ciidamada, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa.

Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay inay u kuur-galayeen xaaladda deegaanadaas, oo markii laga soo tago cabsida Alshabaab ay ka jirtay waayihii dambe shaqaaqo u dhaxeysa dadka reer miyiga ah ee halkaas wada dega.

Sidoo kale wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in ciidamadu ay howlgalkaas ku soo qabqabteen dad la sheegay in looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen falal amino darro oo tuulooyinkaas ka dhacay iyo rag ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email