Cali Cabdulaahi Cosoble oo ficil 4 sano ka hor uu sameeye hadda ka qeylinaya

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wax ka yar 10 bilood shaqadii Hirshabeelle laga eryay ayaa qeylo dhaan & beer laxawsi cusub ka raadiyana bulshada reer Hiiran kadib qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga.

Siyaasigan ayaa dadka reer Hiiraan ugu baaqay iney dhistaan maamul u gaar ah oo ay kula gor gortamaan shaqada ka soco Johwar ee uu garwadeenka ka yahay Cali Guudlaawe.

Si gaar ah wuxuu qoraalkiisa ugula hadlay beeshiisa isagoona yiri “Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan.”

Dadka arimaha siyaasiyada ka faalooda ayaa hadalka Cosoble ku micneeye mid boor isku qarin ah, waxa ayna sheegeyn in Cosoble uu ahaa ninkii ugu horeeye ee isku soo taaga doorashadii Hirshabeelle iyadoo bulshada reer Hiiraan ay saluub badan qabto gaar ahaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Isagoona dhagaha ka faruustay baaqyadii Ugaaska madama dowladdii Xasan Shiiq ay Hirshabeelle si deg deg ah ku dhistay si tartankii doorashada 2016 ay ugu gasho taa oo bulshada labada gobol dhaxalsiisay dib u dhac weyn.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email