Bangiga dhexe oo beeniyay eedo loo jeediyay bangiyada iyo xawaaladaha dalka

Bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa beeniyay warbixin dhawaan lagu daabacay wargays-ka caanka ah ee New York Times, kaasoo lagu sheegay in bangiyada iyo xawaalaha gudaha Soomaaliya ay ku milmeen nidaamka maaliyadda ee Al Shabaab malaayiin doollarna ka helaan canshuuraha gudaha.

Qoraalkaan uu soo saaray Bandhiga Dhexe ee dalka kuna Taariikheysnaa shalay ayaa lagu beeniyay warbixintii New York Times.

Qoraalka Bangiga dhexe ayaa lagu cadeeyay “In Bankiga dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan”.

Bangigu waxa uu ku adkaystay in aysan jirin “Wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi kamid ah Bankiyada dalka” sida ku cad qoraalkaan kasoo baxay Bangiga Dhexe ee dalka.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa u qornaa sidaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email