Bangiga adduunka oo 12 bilyan siin doona dalalka soo koraya

World Bank Group President David Malpass. Photo: © Simone D. McCourtie/World Bank

Bangiga Adduunka ayaa go’aan ku gaaray in 12 bilyan oo dollar la siiyo dowladaha soo koraya si ay u helaan tallaalka cudurka Corona Virus.

Madaxweynaha bangiga adduunka ayaa sheegay in qorshahaan looga dan leeyahay in waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ay si dhaqso ah u helaan tallaalka Covid19.

Dhaqaalahan 12-ka bilyan gaaraya ayaa loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan ku dhawaad dad tiradooda dhan tahay 1 bilyan oo qof.

Si kastaba walow uusan jirin talaal rasmi ah oo loo isticmaali karo Covid-19 ayaa haddana lacagtaan la qorsheenayaa in loo isticmaali doona iibinta iyo qaybinta tallaalka cudurka Corona virus.