Wararka naga soo gaaraya degmo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga Soomaaliya ay saakay howlgallo ka wadeen wadooyinka soo gaala degmada Baraawe.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in howlgalka ka socda degmada Baraawe lagu soo qabqabtay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo ah koox ugu xoogan deegaanada hoos taga gobolka Shabeellada Hoose.
Haddaba howlgalkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii saacadihii ugu dambeeyay ay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka shabeellada Hoose.
