Baaritaano xoogan oo maanta ka socda gudaha magaalada Jowhar

Ciidamada ammaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Baaritaankan ayaa ujeedadiisa waxaa lagu sheegay mid lagu sugayo amniga dooraashada maamulka Hirshabelle, maadaama halkaasi ay maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayeen wafuud kala duwan.

Ciidamada ayaa baaritaanadaan ku baadi goobaya dadka falalka amni daro ka sameeeyo gudaha magaalada Jowhar.