Azerbaijan oo qabsatay dhul laga haystey muddo 30 sanadood ah

Dagaalka Nagorno Karabakh oo socda maalintii 26-aad, ayay ciidanka Azerbaijan waxay qabsadeen dhulka ku yaalla xadka Azerbaijan ay la wadaagto dalka Iran oo ay Iiraan haysatey muddo 30 sano ah, sida uu sheegay MW Ilham Aliyev, isagoo guushaas u dabaal degey.

Ciidanka Azerbaijan ayaa sidoo kale xoreeyey ilaa 20 xaafadood oo ay horay u haysteen ciidanka Armenia, sida uu sheegay.

Waxay taasi meelaha ay Azerbaijan qabsadeen ay ka dhigaysaa 5 magaalo iyo 112 tuulo.

Dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ayaa bilowday 27-kii Sebtembar kaddib markii ay Armenia isku daysay inay dhul cusub ka qabsato Azerbaijan, waxaana fashilmay 2 jeer oo la isku dayey in xabadda la joojiyo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email