Madaxweyne Axmed Madoobe oo furo kalfadhiga baarlamaanka Jubbaland

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furaya kala fadhiga golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland oo mudo laba bilood ah ku maqnaa fasax.

Munaasabada qaban qaabada oo hadda ka socota xarunta daawad ayaa waxaa jooga gudoonka golaha wakiilada Jubbaland,xildhibaano,wasiiro iyo dadwayne ka qayb galaya munaasabad lagu furaayo kala fadhiga sadexaad ee golaha wakiilada Jubbaland .

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed  ayaa laga yaaba in uu khudbad ka jeediyo munaasabada furitaanka Golaha wakiilada Jubbaland, taas oo laga yaabo in uu uga hadlo heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ku gaadheen 17 bishii aan soo dhaafnay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email