Amaanka magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle oo aad loo adkeeyay

Ciidanka boliiska magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan magaalada iyadoo wadooyinka ku dhow dhow xarumaha dowladda la xirey.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la dhigey carro faro badan qaar ka mid ah wadooyinka xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar iyadoo loo diiday inay maraan gaadiidka.

Sidoo kale kontaroolada laga soo galo magaalada ayaa lagu weydiinayaa dadka saaran gaadiidka rakaabka halka ay u socdaan iyo weliba damiin.


Guud ahaan ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan lagu qabto doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.