Alshabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere

Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goob joogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in dagaal culus uu ka dhacay gudaha saldhigga, kadib markii xubnihii ka tirsanaa Alshabaab ay gudaha u galeen xerada.

Saldhigga ay weerareen Alshabaab ayaa ku yaalla garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere, waxaana heysta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, sidoo kale qeybo ka mid ah waxaa la sheegay inay daganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa baahisay, in dagaalkaas oo socday ku dhawaad saacad ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, in kastoo aysan shaacin khasaare rasmi ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada Itoobiya weerarkaas kadib ay dhowr jiho u rideen madaafiic, welina lama soo warin khasaare ka dhashay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email