Agaasimaha IMF oo dunida kaalmo u weydiisay Africa

Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in adduunka waajib ku tahay in uu caawiyo Afrika sida dhibaatooyinka heysta uga soo kabsadaan.

Afrika waxaa ay kamid tahay qaaradaha ugu saameynta yaraa feyraska corona.

Baanka adduunka ayaa sheegay in 43 milyan ay hadda khatar ugu jiraan saboolnimada uu sababay safmarka feyraska corona.

Saameynta dhaqaalaha waxaa ay sii jiri doontaa sanadaha soo socda qaaradda Afrika, sidoo kale shaqooyinka ayaa la waayi doonaa, dhakhliga qoysaska wuxuu hoos u dhici doontaa ilaa 12%, sidaa waxaa sheegtay Georgieva oo ka hadlaysay kulan aaladda fogaan aragga ku yeesheen saraakiisha IMF.

Dowladaha Afrika waxay sameeyeen siyaasado lagu yaraynayo khatarta taas oo lagu qiyaasay 2.5% dhakhliga gudaha ah.

IMF waxay dalalka Afrika siisay 26 bilyan oo dollar oo lagu yareynayo saameynta feyraska laakiin marka la eego baaxadda dhibaatada jirta waxaa loo baahan yahay dhaqaale intaas ka badan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email