Adeega Internet-ka oo Muqdisho dib ugu soo laabtay caawa

In ka badan 3 maalin oo xiriir uu Koonfurta iyo bartamaha dalka ka maqnaa adeega Internet Fiber Optic ayaa caawq la sheegayaa in dib loo helay adeegaas, waxaana si caadi ah u shaqeynaya waireless-ka iyo daatada.

Adeega Internet-ka ayaa caawa dib ugu soo laabtay caasimada Dalka. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo kamid ah shirkadaha adeegyada internet-ka bixiya kuwooda ugu weyn.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Shirkadda Hormuud waxay macaamiisheeda sharafta leh ka raali gelineysaa hakadkii ku yimid adeega internet-ka shirkada muddadii dhowrka beri ahayd, sidaa darteed waxaan caawa idinku bishaareeneynaa in qadka internet k uu si buuxda u soo laabtay.”

Si kastaba hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli adeega internet-ka uu in ka badan 3 maalin ka maqnaa caasimada iyo qaar kamid ah deegaanada Dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email