8 Su’aalood oo jawaabahooda looga baahanyahay dalka oo dhan

Mar iyo laba maaha inta jeer ee dhagaheenu kusoo dhacayaan warar la xariira afduubka caruurta iyo gabdhaha oo badankood loo fuliyo qaabab isku eg taasoo muujineysa iney sameynayaan kooxo isku dan ah oo wadaaga tab iyo xeelad.

Meelo kala duwan oo dalka ah waxaa lagu qabtay kooxo ku jiray fal dambiyeedkan kufsi ama afduubasho caruur oo loo gudbiyay laamaha ammaanka haddana la masii maqlo wax war iyo wacaal ah oo ku saabsan kooxahaas.

Majiro mas’uul dowladeed heer Qaran, Dowlad-goboleed, Gobol ama Degmo oo dhacdooyinkan si rasmi ah uga hadlay.

1. Dhibaatooyinkan ma mudan yihiin in laga gaabsado?

2. Masuuliyiinta Howlaha loo igmaday sow kama mid ah ilaalinta nafta Muwaadiniinta?

3. Kooxahaan abaabulan Maxaa laga ogyahay?

4. Dadkii la shaqeeyanayay kooxahaan ee la qabtay maxaa warbixin ah oo laga hayaa?

5. Caruurta iyo Haweenka la xado ama la afduubto xagee la geeyaa oo saldhig u ah?

6. Afduubka iyo Kufsiga dalka ku batay maxaa xariir ah oo kadhaxeeya?

7. Xaruumo ka ganacsada ama lagu kala iibiyo Jirka iyo Xubnaha ibni aadamka miyaa Kuyaalla Dalka?

8. Maxaa u diiday Dowlada iyo Dowlad goboleedyada dalka iney ka hadlaan falalkaan ka dhaca Deeganada ay ka taliyaan?

Qalinkii: Mohamed Farah Hussein

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email