14 jir uu dhalay Trump oo laga helay caabuqa Corona Virus

Sida laga soo xigtey marwada koowaad ee madaxweynaha Mareykanka Melania Trump, Wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo 14 jir ah ayaa laga helay cudurka Corona Virus.

Wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday. Melina ayaana sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna aysan ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.

Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla markaana uu ka bogsaday maadaama buu yiri difaaciisa jirka uu aad u wanaagsan yahay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email