Xasan Sheekh, madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland oo kulan xasaasi ah yeeshay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Xassan Sheekh Maxamud iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga UPD ayaa hoygiisa kusoo dhoweeyay madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga Muqdisho.

Soo dhoweyn kadib waxaa kulan gaar ah wada qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,  Guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xassan Sheekh Aaden, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Xidlhibaan Suleyman Mohamud Hashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabbdirahman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan Mohamed Abdirahman Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.

Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan, iyada oo kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha mucaaradka uu ahaa mid uu kala tashanayay arrimo la xiriira kulanka uu la yeelanayo Madaxweyen Farmaajo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email