Xasan Sheekh iyo safiirka Mareykanka oo kawada hadlay xaalada siyaasadda iyo doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa goordhow u soo idlaasay kulan ay ku yeesheen xarunta safaaradda Mareykanka ku leeyahay Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka, maareynta xilliga kala guurka iyo sidii doorashada wadar ogol ah oo ay isku raacsan yihiin dhammaan danneeyayaasha siyaasadda dalka uga dhici laheyd

Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Safiirka Mareykanka aragtiyo kala duwan oo la xiriira mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ka taagan yihiin doorashada 2021 in waqtigeeda ku dhacda oo aan la aqbalin dib u dhac.

Safiirka Mareykanka ayaa shalay la kulmay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho wada hadalo kula yeelanaya madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay muuqato in safiirku damaanad qaade iyo korjoogteyn kulamada xalka looga gaarayo hannaanka doorashada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email