Xasan Cali Kheyre oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax madaxweyne doorashada soo socto

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii Sabtiga shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne ee u tartami doono qabashada xilka madaxweynaha ee doorashada sanadka dambe.

Qoraalka kooban uu ku soo qoray bartiisa Facebook-ka ayuu daaha kaga qaaday in uu yahay musharax madaxweyne doorashada la filayo in ay dhacdo sanadka dambe.

Qoraalka ayaa waxuu u qornaa sidaan.

“Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

Mahadsanidiin”

Madaxweyne Maxmed Cabbullahi Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha February 2017. Bishii July 25, 2020 ayaa baarlamaanka waxuu kala laabatay codka kalsoonida taas oo keentay in ay dhacdo xukuumaddiisi.

Xasan Cali Kheyr waxaa Somali-Norwegian, 52 sano jir ah. Waxuu horay uga soo shaqeeyey hay’adaha samafalka ee taagero dadka qaxootiga ah iyo dadka ku barakacay gudaha dalalkooda.

Dadka siyaadda falanqeeyo ayaa aaminsan in uu leeyahay mustaqal siyaadadeed wanaagsan.

Intii uu xilka hayey ayaa lagu bartay howlkarnimo iyo inuu yahay qod aftahan oo dadka deeqsiin kara hadalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email