Wasiirka wasaaradda waxbarashada oo maanta kulan la yeeshay guddiga dalladaha waxbarashada dalka

Ku simaha wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga dalladaha waxbarashada dalka.

Kullanka ayaa ku saabsanaa  dib u eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay dalladadaha ka qeyb qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka.

Ku simaha wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kula taliyay in dalladaha ay dowladda kala shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi heerka waxbarashada dalka iyo in sidii loogu talagalay loo dhaqan galiyo Manhajka ay dowladda Soomaaliya soo diyaarisay maadaama la dhameystiray manhajka ee uu hada yahaya dugsiyada Hoose,Shexe iyo sare.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email