Wasiirka gargaarka oo Kulan wada tashi ah ka furay magaalada Muqdisho

Ku simaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta furay kulan wada tashi ah oo looga hadlayo sidii hay’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga taageeri lahaayeen fulinta adeegyada gargaar ee asaasiga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socota dowlad goboleedka Galmudug iyo wakiilo ka socda hay’adaha aan dowliga aheyn ee ka howlgalla dalka.

Ku simaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumada Federaalka Soomaaliya   Xamsa Saciid Xamsa ayaa ugu baaqay hay’adaha aan dowliga aheyn in ay ku badiyaan adeegga ay bixiyaan guud ahaan dhulka  degaannada Galmudug.

Masw’uuliyiinta ka socday Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xoojin doonaan sidii loo dardar gelin lahaa sidii degaannada Galmudug looga fulin lahaa adeegyada gargaarka Aas’aasiga ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email