Wasaaradaha cadaalada iyo awqaafta oo dib u habeyn lagu sameeynaayo iyo wasiirada cadaalada iyo awqaafta oo ka qaybgalay dhagax dhiga

ku simaha wasiirka cadaalladda Xasan Xuseen Xaaji iyo ku simaha wasiir ku xigeenka awqaafta iyo diinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dib u habeynta dhismaha xarunta wasaaradaha cadaalladda iyo awqaafta.

Mashruuca lagu dhisaayo ayaa waxaa kuguuleystay shirkad Soomaaliyeed, iyadoo la soo marsiiyay hanaanka qandaraasyada dalka oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dalka ugu horeyso, waxaana lagu rajaweynyahay in 3 bil lagu soo gabagabeeyo.

ku simaha wasiir ku xigeenka wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dowlada dhexe Cismaan Aadaan Dhuuboow ayaa tilmaamay in dhismahaan uusan sanado badan helin dayactir, hase ahaatee dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay dib dhiska xarumaha dowladda si loo soo celiyo maqaamkeedii hore.

Ugu dambeyntii dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay dib ugu dayactireyso xarumaha dowladda si bilic magaalada muqdisho dib ugu soo laabato.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email