Wasaarada arimaha gudaha Galmudug ayaa maantay tababar nidaamka doorashooyinka ah ka furtay magaalada Gaalkacyo oo ay si wadajir ah u fulinayeen hay’addaha CRD FCA iyo Eisa
Tababbarkaan oo ku saabsanaa nidaamka doorashooyinka iyo qaabka ay u codeynayaan cod bixiye yaasha doorashooyinka.
Agaasimaha dowladaha hoose ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka soomaaliya mudane Yaxye Cumar Xirsi oo ka hadlay kullanka ayaa sheegay doorka muhiimka ah oo ay ku leedahay dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo
Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali ayaa la taliyay ergooyinka dooranaya xubanaha golaha deegaanka Galkacyo
Tababbarkaan ayaa waxa soo xaadiray ku dhawaad 90 xubnood oo ka mid ah ergooyinka lagu wado in ay soo doortaan xubnaha golaha deegaanka Gaalkacyo.





