Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay xudur

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Xudur qarax miino ay la kacay dad shacab ah oo saarnaa mooto saddex luguuley da.

Miinada oo aheyd nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyooday illaa lix ruux, halka 2 kalena ay dhaawacantay, waxaana dhamaan dadka saarnaa labo ka mid ahaayeen walaalo.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel 25KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Xudur, sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan.

Dadkii ku dhintay qaraxaasi ayaa saakay lagu aasay tuulo 15KM u jirta magaalada Xudur, halkaasoo aheyd goobtii markii hore ay ka baxeen.

Inta badan waddooyinka soo gala degmada Xudur ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino iyo weeraro, iyadoo Al Shabaab ay horay u go’doomiyeen wadadaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email