Wafdi ka socda AMISOM oo maanta tagay Dhuusamareeb kulana la yeeshay taliska 21aad

Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM Korneyl Cabdiraxmaan Riyaale Xareed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa isla maanta kulan looga hadlayay amniga magaalada Dhuusamareeb kula qaatay saraakiisha taliska qeybta 21aad ee ciidanka xooga dalka.

Sarakiisha ka tirsan militeriga Soomaaliya ee kulankaas looga hadlayey arrimnaha ammaanka uu la yeeshay taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha qeybta 21aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullahi Qooje.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii wadajir loogu qaadi howlgallo ka dhan ah Alshabaab, oo maamula qeybo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email