Waa kuma ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990.

Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25 kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso waa haddii la meel mariyee xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka.

Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo food leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee loogaga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee.

Wuxuuse ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka heshiiyeen nuuca doorasho ee uu dalku geli doono iyo habkii loo mari lahaaba.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email