UK oo gaadiid dagaal ku wareejiyey Dowladda Fedralka Soomaaliya

UK oo gaadiid dagaal ku wareejiyey Dowladda Fedralka Soomaaliya

Wasaaradda gaashaandhigga dowladda fedralka Soomaaliya ayaa gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska.

Munaasabadda lagula wareegay gaadiidkan oo ka dhacday magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka socda Ingiriiska, taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda UK, wuxuuna tilmaamay inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe taageero kala duwan ka heleysay dowldda caalamka ee saaxibada dhow yihiin, waxaana dhowaan gaadiid gaashaaman oo casri ah ay kala wareegtay dowladda Turkiga.

Ingiriiska oo gaadiid dagaal ku wareejiyey DF Soomaaliya + Sawirro

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email