Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo kadib maanta yeelanayo kulan muhiim ah

Muddo dhowr todobaad ah kadib, xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Agendaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah.

Akhrinta labaad ee Sharciga Hay’adda Socdaalka  iyo Jinsiyadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulamada golaha ayaa todobaadyadii u dambeeyay hakad ku jiray, iyadoo aan la shaacin sababta.

Arbacadii lasoo dhaafay xildhibaanada waxaa loo diray fariin war gelin aheyd, taas oo loogu sheegay inuu jiro kulanka golaha, balse saacado kadib ayaa mar kale loo diray fariin burin ah, waxaana loogu sheegay in uu baaqday kulankaas.

Sharuuc badan oo dalka u muhiim ah ayaa hor taalla golaha shacabka, balse waxay kulamadoodii hakad galeen, wixii ka dambeeyay markii la aaday shirkii Dhuusamareeb 3 oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka.

Inta aan la isugu tegin shirkaas madaxweyne Farmaajo ayaa hor tegay golaha shacabka, isagoo ka hor sheegay in uu kula soo noqon doono, wixii kasoo baxa shirka Dhuusamareeb 3, laakiin weli lama hor geyn golaha qodobadii kasoo baxay shirkaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email