Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis deyn cafin ah

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo ku simaha wasiiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deyn Soomaaliya ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo dowlada mareykanka ah,waxaana heshiiskan goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dowlada Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aaday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa dowlada Mareynkanka ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Saxiixa heshiiskan waxaa suurto gal ka dhigay Soomaaliya oo hirgalisay dib u habeyn dhaqaale oo muhiim ah islamarkaana gaartay bishii Maarso ee sanadkan 2020 marxaladii ugu horeysay ee deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya.