Somaliland oo mas’uuliyiin u xirtay musuq maasuq

Soomaaliland oo Mas’uuliyiin u xirtay musuq maasuq

Hanti dhowrka Guud ee soomaaliland ayaa shaaciyay in laba ka tirsan mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadad qeybta Gobolka Togdheer u xireen eedeyn la xiriirta musuq maasuq ay ku kaceen.

Waxaa uu sheegay Hanti dhowrka inay bilaabeen baaritaanka labada qof,kuwaas oo ka howlgalayay kastamka Canshuuraha Gobolka Togdheer,isla markaana howshooda la soo geba gabeyn doono.

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Soomaaliland Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa sheegay in labada qof loo gudbiyay Maxkamadda,isla markaana uu raheynayo in cadaaladda la marsiin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay baaris ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada ,Caafimaadka, Dawladda Hoose , Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco ,kuwaas oo uu sheegay in looga shakiyay arrimo la xiriira musuq maasuq.

Soomaaliland ayaa sanadkan 2020 waxaa ay bilaawday dagaal ka dhan ah musuq maasuqa, waxaana u xiran mas’uuliyiin kala duwan halka kuwo kale horay xukun Xabsi ah loogu riday.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email