Soomaaliland oo Mas’uuliyiin horleh u xirtay musuq maasuq

Soomaaliland ayaa markale waxaa ay sheegtay in mas’uuliyiin kala duwan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq, xilli kal hore Magaaalada burco mas’uuliyiin loogu xiray.

Hanti dhawraha guud ee Somaliland Khadar Yuusuf Dirir, oo la hadlay VOA ayaa sheegay in burco, Boorama iyo Berbera ay ku xireen saraakiil Dawladeed oo ku eedayaan arrimo Musuq maasuq.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la xiray dad shacab ah oo lagu qabtay in ay sameeyeen ducument Been abuur ah, kuwaas oo si caadi ah ugu Shaqeysanayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore xir xirtay mas’uuliyiin hoose,kuwaas oo lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq, iyada oo qaarkood la xukumay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email