
Wararka naga soo gaaraayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.
Xiisada ayaa timid, kadib markii Soomaaliland ay degaanka tukaarq geysay ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka, iyagoona lagu xoojiyay ciidamadii horay u joogay degaankaas.
Ciidamada Soomaaliland ayaa dhaq dhaqaqyo ciidan ka wado halkaasi, iyadoona ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland degaanka Tukaraq.
Ugu dambeeyntii deegaanka Tukaraq ayaa oo hore waxaa uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland, oo wali xal waara laga gaarin.