wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo hortegay baarlamaanka

Siihayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta hortegay kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Goodax ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey qodobada heshiis waxbarasho oo dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday inay meel mariyaan heshiiskan oo uu sheegay in uu muhiim u yahay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email